Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horaanta todobaadka soo socda si rasmi ah ay u furmi doonaan howlihii duulimaad ee dalka.
Qorshaha Furista duulimaadyadda ayaa ahaa 1-dii Bishaan, laakiin waxaa jiray dib dhac ku yimid sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo ,Duulimaadyadda Gudaha ayaa si rasmi ah u bilaaban doona 8-Bishaan.
Shan Diyaaradood ayaa la qorsheeyay in maalintii ay taggaan maamul goboleedyadda dhammaan, waxaana sidoo kale amar lagu bixiyay in la ilaaliyo hanaanka Cafimaadka dadka diyaaraddaha raacaya oo ay ka mid yihiin kala Fogaanshaha iyo xirashada Maaska.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa diyaaraddaha ay tagi doonaan kaliyaha gobolka Gedo, waxaana laga reebay Magaalada Kismaayo oo ah Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Inkastoo Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo aan la xariirnay ay sheegeen in ay wali waddaan baaritaano ,haddana Howlwadeenno ka tirsan maamulka Hawadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Magaalada Kismaayo aysan ka mid aheyn meelaha duulimaadyadda loo fasaxaayo 8 Bishaan.
Mas’uuliyiinta Hay’adda duulista Hawadda Soomaaliya oo aan xiriir la sameynay nooma suurtagalin in aan helo.
23 Sebtembar 2019 Maamulka hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa amar ay soo saarta ku sheegtay in gebi ahaanba la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha ay ku tagi jireen Magaalada Kismayo ee Jubaland.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhowr jeer is hor istaag ku sameysay Siyaasiyiin doonaayay in ay aadaan Magaalada Kismaayo.