Home Afsomali arrinta ka dhacday safaarada roma waxay xad gudub weyn ku...

arrinta ka dhacday safaarada roma waxay xad gudub weyn ku tahay hab mamuuska diplomaasiyadda Somalia iyo guud ahaan caalamka

Ahmed Abdirahman Sheikh Nur, waxaa siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga laga dhigay inta dowladda Soomaaliya Safiir cusub u soo magacaabaneyso dalka Talyaaniga, ama asaga ku meelayneyso Safiirka buuxa. Laakiin arrinta hadda dhacday waxay xad gudub weyn ku tahay hab mamuuska diplomaasiyadda caalamka.Waxayna xumayneysaa xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Tan labaad waxay xad gudub iyo meel ka dhac ku tahay Ahmed Abdirahman Sheikh Nur, siihayaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Roma, Italy oo diblomaasi ruug cadddaa ah oo 35 sano si hagar la’aan ah dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeegayey. Ahmed Abdirahman Sheikh Nur waa nin waddani ah dadka Soomaaliyeedna ay isugu mid yihiin. Tan saddexaad Mohamed Ali Gacal Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga wuxuu ka yahay qofka saddexaad. Sidee siihayaha Safaaradda Soomaalia ee Dalka Talyaaniga looga dhigi karaa iyadoo dadkii ka sareeyey joogaan!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.