Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu wiil mooto bajaajle ah ku dilay isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.
Dilka darawalka Mooto bajaaj-ta ayaa ka dambeysay kadib markii ay murmeen askariga iyo wiilka dhalin yarada ah, taasina waxaa ay keentay in askari uu xabad madaxa kaga dhuftay wiilka dhalin yarada ah, iyadoona halkaasi uu ku geeriyooday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilka dhalin yarada uu damcay inuu maro wado ciriiri ah, maadaama halkaasi bar kontorool ay ku leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliya.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ag fariistay goobta uu ku dilay Darawalka Mooto bajaajta, iyadoona la sheegay inuu iska dhiibay qorigii uu watay.
Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dilalka loo geysto dhalin yarada ku shaqeysta Mooto bajaaj-ta.
falkaan dilka ah ayaa cadeynaya in darawalada mooto bajaajtu laheyn qaabkii marida wadooyinka ee saxda ahaa maadaama ay mar walbo mudanayaa in dil loo geysto