Home Afsomali Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj...

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj Ku shaqeysanayey

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa caawa darawal Mooto bajaaj waxa uu ku dilay laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooska Evecco ee ku dhaw Warshada Taraqa iyo Sigaarka.

Goob joogayaal ayaa ku waramay askari katirsan ciidanka amaanka oo ku sugnaa Isgooska uu dilay nin shacab ah oo wade ka ahaa Mooto bajaaj, waxaana meydka ninka la dilay daqiiqado badan yaalay halka lagu dilay.

 

Laba wiil oo bajaajle ah ayaa maanta oo kaliya lagu dhex dilay bajaajtooda Muqdisho. Kan koowaad waxaa lagu dilay Kuliyadda Jaale Siyaad, kan labaadna Warshadii Sigaarka iyo Tarakha ee Jidka Warshadaha.

Sida ay tahay Xamar hadda waxay Reer Muqdisho soo xasuusisey wax u eg sidii ay ahayd xaaladda isusocodka magaalada 1991—2006, oo ay gadiidku isu kala gooshi jirin gudaha caasimadda.

Lama oga ilaa hada sababta askarigan katirsa ciidanka amaanka uu u dilay ninkan shacabka ah, waxaan goob joogayaasha siyaabo kala duwan uga hadleen ninka uu askariga u geestay ruuxan shacabka ah.

Ciidamada dwlada ayaa magaalada muqdisho siyaabo kala duwan bishan Ramadaan ugu dilay ku dhawaad shan nin oo Mooto bajaaj ku xoogsanaysay, waxaana dilalkan siyaabo kala duwan uga xumaaday shacabka muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here