Home Afsomali Askari Xamarweyne dil ka geystay ka dibna Mooto bajaaj ku baxsaday

Askari Xamarweyne dil ka geystay ka dibna Mooto bajaaj ku baxsaday

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ayaa  meel ku dhaw xarunta degmada Xamar Jajab wuxuu ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkan wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen wiil kale oo xilligaasi ka yimid aroos, iyaga oo is heysta ayaa askari ka tirsan saldhigga booliska Xamar Jajab oo wadada marayay uu ku riday dhalinyaradan xabad uu doonayay inuu ku kala celiyo balse waxay xabadaasi ku dhacday mid ka mid ah dhalinyaradaasi.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen xabada wiilka dhalinyarada ah inay kaga dhacday madaxa, islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday.

Askariga dilka geystay ayaa kahor inta aysan ciidamada ammaanka halkaasi gaarin ku baxsaday mooto Bajaaj, sida ay inoo sheegeen dadka goobjooga u ahaa dhacdadan.

Mid ka mid ah maamulka dagmada ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa waxa ay dowladda ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno askariga dilay wiilkooda oo ka mid ahaa dhalinyarada degan degmada Xamar Jajab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.