Astaamaha Kheyre aan ka bartay halsano kaddib waxaa ka mid ah:1. Subax kasta jadwalkiisa shaqo qofka ugu horreeya ee uu la kulmo waa MD Farmaajo, waxaana uu Madaxwaynaha siiyaa warbixinta guud ee shaqada Dowladda 24kii saac ee u dambeeyay. Iyagaa kala qaata Leyli shaqo. Tani waxay cadaynaysaa xajmiga ay le’eg tahay kalsoonida shaqo ee Madaxwaynaha Iyo R/wasaaraha.
2. Wuxuu dhagaha ka furaystay kuwa inta badan ku hadaaqa in Madaxwaynuhu wanaagsan-yahay, isaguna yahay nin rabash badan. Taasina wuxuu kasii qaaday ad adeyg, iyo geesinimo.
3. Wuxuu fadhiyada Caalamiga ah ee dunida si kalsooni leh uga hor ammaanaa waxqabadkooda, Madaxwaynihiisa, Golihiisa, Laamaha Dowladda Iyo shacabka Soomaaliyeed.
4. Wuxuu ku tixgaliyaa waajibaadkooda, kuna dhiirigaliyaa in ay ku ku matalaan magaciisa Iyo magaca Soomaaliya, Kuxigeenkiisa Iyo Golihiisa had iyo goor.
5. Wuxuu ku dhiiradaa si aan ka gabasho lahayn in uu waajaho caqabadaha Dowladda kala soo gud-boonaada had iyo goor Bad, Birri, Iyo Cirba.
6. Wuxuu iska ilaaliyaa wax kasta oo kallifi kara Khilaaf isaga iyo Madaxwaynihiisa.
7. Wuxuu la dagaalamaa had iyo goor masiibooyinka dowladnimada curyaamiya, sida musuqa, tuugnimada, argagixisada, jawaajiista, kooxaha iyo shaqsiyaadka danaha gaarka leh, Ajaanibta maslxadaha gaarka ka leh Dalka, iyo cid kasta oo Dowladnimada kasoo horjeeda.
8. Wuxuu la tacaalay oo uu si fiican u maareeyay Masiibooyinkii Abaartii Simma, Iyo tii 14ka October, isagoo kaashanaya Madaxwaynihiisa.
9. Ugu dambayn, waa shaqsi aan lagu xamman, musuqmaasuq, maamul-xummo, aqoon-darro, karti la’aan. Waa siyaasi cod kar ah, waxaana intaas u dheer in uu Mab’da ahaan u aaminsanyahay Soomaaliya oo dib cagaheeda ugu istaagta.
F.G. Ma jiri karo qof dhammaystiran oo bini’aadam kasta wuxuu leeyahay dhaliilo abuuristiisa la jaal ah, balse haddaan sifooyinkaan ku arkay, wuxuu mudanyahay in aan kalsooni buuxda siinno, uguna ducayno in Rabbi mas’uuliyada la garab-galo.
Share