Home Afsomali Baladweyne Waddooyinka  oo u xiran fahad yaasiin  iyo Meydadkii  la aasi lahaa...

Baladweyne Waddooyinka  oo u xiran fahad yaasiin  iyo Meydadkii  la aasi lahaa oo la waayay Dariiq la marsiiyo

Baladweyne Waddooyinka  oo u xiran fahad yaasiin  iyo Meydadkii  la aasi lahaa oo la waayay Dariiq la marsiiyo

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta inta badan la xiray waddooyinka muhiimka ah ee kuyaala magaaladaasi oo ka bilaabanayaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah ayaa lasoo dhoobay waddooyinka magaalada Baledweyne, ciidamada ayaana gabi ahaan hakiyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka goobaha muhiimka ah.

Doorashada maanta ka dhaceysa oo lasii ogyahay natiijada kasoo baxeysa ayaa waxaa ku jira kursiga uu doonayo Fahad Yaasiin, waxaana xiritaanka waddooyinka sabab looga dhigay ilaalinta ammaanka Fahad Yasaiin oo Farmaajo muhiim u ah.

Dhinaca kale waddooyinka la xiray ayaa saameyn badan ku yeelatay ehelada dadkii shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Baledweyne, kuwaa oo la’ meel ay marsiiyaan meydadka eheladooda.

Magaalada Baledweyne waxaa shalay ka dhacay qarax ay ku dhinteen dad ku dhaw 10-qof ay ku jiraan masuuliyiin, musharaxiin Xildhibaan iyo dad kale oo shacabka ah oo qaarkood Baledweyne u tagay doorashada ka dhaceysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.