Home Afsomali bambooyin hoobiyeyaal iyo Weeradii Bisha Ramadaan oo Muqdisho ka bilowday...

bambooyin hoobiyeyaal iyo Weeradii Bisha Ramadaan oo Muqdisho ka bilowday iyada oo la sheegayo in amaanka si aad ah loo adkeeyey

Bambooyinka Gacanta laga tuuro oo lagu weerayay xarunta dagmada waaberi iyo guri uu Muqdisho ka dagan yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo ahaa taliyaha ciidanka xasilinta

weli si sax ah looga oga qasaaraha ka dhashay bambooyinkaan f1ka ah ee lagu weeraray halka dhanka kale magaalada Muqdisho  dhowr madaafiicda Hoobiyaha ayaalaga  soo tuuray goob ka baxsan magaalada iyagoona ku soo dhacayaan goobo aan la ogeyn

Rag la sheegay in ay hubeysnaayeen ayaa dad ka agdhow Hoyga Jacfar wax ay sheegeen in ay ilaa laba Bambaano ku tureen Guriga,isla markaana ay durba goobta ka baxsadee.

Weerarka bambaano ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ku sugnaa guriga guddoomiyihii hore ee degmada howlwadaag.

Sidoo kale Maxamed Abuukar Jacfar oo dhanka kale ah taliyaha Ciidanka xasilinta ayaa la sheegay in xilliga hoygiisa bambaanooyinka lagu weerarayay uu ka maqnaa.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya una dhow hoyga Maxamed Abuukar Jacfar ayaa usoo gurmaday kuwaas oo qaaday dhaawaca labada askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha ciidanka xasilinta.

Lasoco Warkaan wixii kusoo kordha:

Hoobiyaasha ka dib ayaa la maqalay rasaas xoogan oo  dhacay mana cada cid ay ku ridayaan  Rasaas iyo kooxaha ay u dhaxeyo

Magaalada Muqdisho ayaa caawa oo ah Rabadaan koow  lqguna soo dhaweeyey Hoobiyaal

saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay,iyadoo isgoysyada ugu muhiimsan ee magaalada lagu arkayo Ciidamada xasilinta oo feejigan.

 

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iska kaashanaya adkeynta AMNIGA inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,xilli Shabaab looga bartay iney kordhiyaan weerarada isugu jira qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

 

Isgoysyada Banaadir,KM4,Talleex,dabka,isgoyska Afarta jardiin,Jubba iyo Wadooyin muhiim ah ayaa lagu arkayaa Ciidamad Xasilinta kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka baaritaan adag ku sameynaya.

 

Ciidamadan oo dhawaan uu la dardaarmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dadka si wanaagsan ula dhaqmaya,waxayna u egyihiin Ciidamo dardaaran iyo tababar wanaagsan qaba.

 

Waa Habeenkii ugu danbeeyay ee Bisha Shacbaan,waxaana la dareemayaa jawi farxadeed oo Shacabka ay ku soo dhoweynayaan Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Al-Shabaab ayaa dhankooda ku fekeraya in dhibaato ka geystaan magaalooyinka qaar oo magaalada Muqdisho ay ku jirto,iyadoo Ciidamada Dowladda ay feejignaan ku jiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.