Home Afsomali Bandhigga Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay soo agaasintay Hormuud Telecom oo ka...

Bandhigga Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay soo agaasintay Hormuud Telecom oo ka furmaymagaalada Muqdisho.

https://youtu.be/dQRi1FF3iWE

Munaasabad ay si heer sare u soo agaasintay shirkadda Hormuud telcom looguna magacdaray Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb galeen madaxda gobolka banaadir, rugtaganacsiga, maamulka sare ee shirkada hormuud, culamaa’udiin ganacso, haweenka, dhaliyarada iyo dhamaan macaamiisha shirkada hormuud telecom ayaa manta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo socon doonta mudo laba maalmood ah ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha shirkada hormuud telecom Axmed Maxmuud Yuusuf asagoo faahfaahiyay aasaaskii shirkada hormuud iyo shirkadaha ka farcamay ee hoosyimaada.

Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa doodcilmiyeedyo xiisobadan, khudbado dhaxal gal ah,waxaana goobta ka hadlay bahda waxbarasha, bahda caafimaadka, ganacsatada, aqoon yahano iyo culamaa’udiinka somaliyeed.

Gudoomiyaha rugtaganacsiga Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo kahadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday hormaradii ay shirkada hormuud wadanka gaarsiisay sidoo kalana sheegay in ay Qeybweyn ka qaadatay dhismaha wadanka.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdishoYuusuf Xuseen Jimcaale oo ka qeybaha martidaayaa shirkada hormuud telecom ku amaanay mudadii 20-ka sanoeheeydee ay u soo dhabaradeegtay xaaladihii adkaa ee uu wadanka soomaray.

Sanadkan oo ku beegan 20 sanoguurada aasaaska shirkadda Hormuud Telecom ayaa shirkaddu waxayxilgaar ah iskasaartay in la agaasimo munaasabad lagu bogaadinaayo shakhsiyaadkii iyo hay’adihii u soodhabaradeegay guushana u soohooyey dalkooda wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Somalia.

bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigidoonaa bandhig carweed  ay kaqeyb qaadanayan dhamaan shirkadaha kala duwan ee hoosyimaada shirkada Hormuud telecom  iyaga oo soo bandhigidoona adeegyo cusub, sameyn doona qiimojabin, qaban doonana waqti yaa nasiiib qofkii kaqeyb gala uu fursad u helidoono in uu ku guuleysto Maayfaayo, xirmooyin internet iyo waxyaabo  kale ooqaali ah sida moobiladii ugu danbeeyey ee iphone iyo Samsung.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.