Home Afsomali Bangiga caalamiga ee IBS oo soo bandhigay adeega (IBS MOBILE BANKING), SAWIRO

Bangiga caalamiga ee IBS oo soo bandhigay adeega (IBS MOBILE BANKING), SAWIRO

Bankiga Caalamiga ah ee IBS  ayaa Daahfurey Adeeg loogu magacdarey IBS MOBILE BANKING waxaa daafurkaas ka soo qayb galey Masuuliyiinta Bankiga iyo Xubno ka socdey Rugta Gancsiga Soomaakiyeed iyo Marti Sharaf
Ugu Horeyn waxaa ka hadley Mudane Shariif Nuur Yuusuf  oo ka socdey Bankiga IBS  wuxuu sheegey in adeegaan uu yahay adeeg kuu fududeynaya in aad lacagahaada aad si fudud ugala baxdid adigoo bankiga aadan imaan
Xubnihii kale ee ka hadley daahfurkaas waxaa ka mid ah gudoomiyaha Bankiyada Soomaaliyeed mudane  Cabdulaahi Macalin Sabaax wuxuu sheegey in ay soo dhaweynayaan adeega ay  bulshada uu u keeney Baniga IBS isagoo sheegey in Furitaankiisa uu ku soo aadey xili dalka uu ka jiro Xanuunka Corona Virus waxaana adeegaan uga maarmeysaa in aadan soo xaadirin Bankiga
Waxaa kaloo Daahfurkaas ka hadley Masuul ka tirsan  Rungta Gancsiga Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Martela wuxuuna sheegey in Rugta ay soo dhaweyneyso Adeegaan oo uu sheegey in fududeynayo Ganacsiga Gudaha ito Dibadda wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay ka faaiideystaan adeega IBS  MOBILE BANKING
Madaxa Suuqgeynta Bankiga Shuceyb Maxamuud Maxamed oo isna halkaas ka hadley ayaa sheegey in adeegaan uu Bankiga kuu fududeynayo helitaankiisa islamarkaasna  Macaamiisha Cusub ay si wanaagsan  Bankiga u soo dhaweynayo
adeegaan ayaa ah adeeg aad  kala soo dageyso Internetka kaasoo aad iska diwaangelineyso Bankiga wuxuuna kuu fududeynaa adiga Bankiga imaanin in aad Dibadda, Goobtaada Ganacsiga , Gurigaada ,p Xafiiskaada aad Mobile kaada kala bixi kartid isla markaana aad ka diri kartid
Fariinta IBS Bank
Faaidooyinka gaarga ah ee ad ka heli karto waxaa kamida
1. inaad kalasocon karto haraaga koontadada markasta iyo meelkasta.
2. Waxa uu kuu sahalayaa inaad udirto Lacag qof kle laguuna so diro.
3. waxaad ku bixin karta lacagaha biilasha sida waxbarashada, Korontada, biyaha, TV ga iyo waxi lamid ah.
4. Wuxa uu kuu sahlayaa inaad si fudud lacag ugula bixi karto ATM ka adigo aanan wadan Master kaarkaaga IBS.
5. waxaad si fudud ku heli kartaa dhaqdhaqaaqa xisaabtaada (Account Statement)
6. waxaad kaga shuban kartaa lacagaha ku hadlaka sidoo kalana u diri karta eheladada iyo asxabtada.
7. waxaad ku maamulan kartaa mastercard kaaga IBS sida inaad badalan karto limit kaaga, ka xiran karto cardkaaga hadii uu ka lumo sdioo kalana aad ka furan kartid.
8. Isticmaalka iyo adeegsiga IBS Mobile banking wa maano laysku haleen karo.
Ku dooro Sahlanaan, Degdegsiimo iyo amaano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.