Home Afsomali Bangiyada Soomaaliya oo lagu amray in ay xiraan dhamaan Accounada FOREX (Akhriso)

Bangiyada Soomaaliya oo lagu amray in ay xiraan dhamaan Accounada FOREX (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Gudoonka sare ee maamulka Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya ayaa lagu amray dhamaan bangiyada ganacsi ee dalka kuyaala in ay xiraan dhamaan xisaabaadka ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee Suuqa caalamiga ee Forex.

Bangiga dhaxe qoraalka kasoo baxay oo ku taariikheesan shalay oo Isniin ah ayaa sidoo kale lagu faray maamulada Bangiyada in ay soo gudbiyaan warbixin lifaaq oo sheegeysa dhamaan xisaabaadka u furan iyo cadadka lacagaha ku jira.

Amarkan kasoo baxay maamulka Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in saameyn badan ku yeesho shirkadaha ka shaqeeya suuqa caalamiga ee Forex, waxaana shirkadahan mudooyinkii dambe soo wajahayay culeesyo badan.

Halkan ka AKhriso Qoraalka Bangiga Dhaxe kasoo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.