Ujeedo codsiga ku saabsan bilaabida baaritaan de deg ah oo ku saabsan arin muhiim ah
Gudoonka golaha shacabka ee sharafta leh
Asalaamu caleykum
Waxaan xafiiska sharafta leh u soo qorey warqadaan oo ku saabsan arin culus oo ku aadan fal uu ku kacay Xildhibaan Dr Cabdilaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Golaha shacabka Jamhuuriyada Somaliya .xildhibanka ayaa qorey warqad sumcad dil ah oo ay ka buuxaan eedeymo been abuur ah oo ka dhan ah wasaarada maaliyada iyo mashruuca ( kaas oo ah mashruuc aad muhiim u ah oo bixiya taageero miisaaniyadeed ) ,taasoo u kala diry hay.ado ay ka mid yihiin hay.adaha dowlada ,safaarado shisheeye iyo hay.adaha maaliyada ee caalamiga ah ee taageera Dowlada .
Anigoo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ahne wasiirka maaliyada ,oo masuul ka ah dib u habeynta dhaqaalaha dalka ,waxaan rabaa in aan cadeeyo in aan si buuxdo u fahamsanahay doorka golaha shacabkaee ku saabsan la xisaabtanka iyo hagaajinta dowlada wanaaga. Waxaa sidoo kale muhiim ah in aan halkaan ku xuso in taageerada xoogan ee golaha shacabka iyo gudiyadiisa kala duwan ay u lafdhabar u ahaayeen una yihiin dejinta sharciyada muhiimka ah ee halbeegta u ah nidaamka dayn cafinta .
Sidaa darted ,anigoo ka duulaya muhiimada ay leedhay in laga ilaaliyo eedeymo kasta oo been abuur ah ,heyadaha dowlada mudadane dib u habeynntu socoto ,waxaan u soo gudbinayaa gudoonka golaha shacabka warqadaan cabashada ah ee ka dhanka ah Xildhibaan Dr cabdilaahi Xaashi Abiib ,sida ka muuqata warqadiisa oo halkaan ku lifaaqan ,xildhibaanka ayaa qoray warqad uu eedeynaayo isku duwaha mashruuca RCRF ficilo Anshax xumo ,welibane lagu eryey shqadeedii Xildhibaanka ayaa sidoo kale u soo jeediyey wasiirka iyo madaxda kale ee wasaarada maaliyada eedeymo ka dhan ah oo aan sal iyo raad laehyn
Dhanka kale anigoo gudanaya waajibaadkeyga ,ka dib markaan arkay sida ay u culus yihiin eedeymaha uu qorey Xildhibanaka iyo qararta ay u keeni karaan howlaha wasaarada ,waxaan faray Agaasimaah guud ee wasarada in uu bartiaan ku sameeyo ,baaritaankaas oo lagu ogaaday arimaha soo socdo :
- In ayaan said tukaale aan laga eryin shaqada mashruuca RCRF balse ay iskeed isaga casishay
- In aysan jirin wax anshax xumo ah oo ka dhan ah ayan said tukale ee uu geystay isku duwaha Mashruuca RCRF .
- In ayan said tukale aanay uga tagin Xildhibaanka .isla markaana dhamaan eedaha uu warqadiisa ku sheegay ay yihiin been abauur oo aan ka dhalan wax cabsho ah oo ay ayan said tukaale u soo gudbisay Xildhibaan Dr Cabdulaahi Xaashi Abiib .
Sida ku cad emailka ay ku soo jawaabtay oo halkaan ku lifaaqan ,waxay ayaan sid tukale si cad u sheegtay in ay iska fogeysay dhamaan eedeymaha dhanka wasaarada iyo mashruuca RCRF ee uu Xildhibaanku warqadiisa ku soo riixay
Hadaba amigo ogsoon dhibaatada eedeymahaasi u geysan karaa sumcada wasarada maaliyada ,mashruuca bangiga aduunka oo ay dowladu fuliso iyo guud ahaan xukkuumada ,waxaan halkaan ugu codsaneynaa gudoonka Golaha shacabka ee sharafta leh
- In gudiga Xeer hoosadka ,Anshaxa iyo Xasaanada si deg deg ah loogu xilsaaro in uu bilaabo baaritaan Anshaxeed oo ka dhana ah Xildhibaan Dr Cabdulaahi Xaashi Abiib oo ujeedadiisu tahay in la ogaado sababata uu xildhibaanku eedeymahaan foosha xun u jeediyey
- In talaabooyinka kale eek u haboon la sameeyo si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay eedeymaha .
Wasaarada maaliyada iyada oo ka faaiideysaneysa fursadaan waxay uga mahadcelineysaa gudoonka golaha shacabka sida hagar la.aanta ah ee ay u garab taagan yihiin barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha ee socda