Home Afsomali Basaasiin ameericaan ah oo lagu laayey dalka Shiinaha iyo kuwo lagu xiray

Basaasiin ameericaan ah oo lagu laayey dalka Shiinaha iyo kuwo lagu xiray

Dowlada dalka shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay dishay 18 jawaasiis oo u shaqeynaya hey’adda mukhaabaraadka dalka Mareykanka ee CIA-da, qaar kalena ay xabsiga dhigtay, taasi oo lagu tilmaamay inay tahay xad-gudubkii ugu xumaa ee soo laamah sirdoonka ee dalka Mareykanka muddo sannado ah.

Wargeyska The New York Times waxaa uu kusoo warramay in mid kamid ah dadkii u basaasayay Mareykanka lagu hor dilay asxaabtiisa, taasi oo ka niyad jabisay kuwii kale inay u sii shaqeyaan CIA-da.

Dilalka loo gesyto basaasiinta Mareykanka laga soo bilaabo sannadkii 2010 ila iyo 2012-kii ayaa lagu qiyaasay inay gaareyso ku dhawaad 20.

Khubaro haatan u shaqeeya hey’adda CIA-da iyo kuwo horay uga soo shaqeeyay ayaa waxaa ay rumesanyihiin in dowlada Shiinaha ay u dhacday amaba ay jabsatay qaabkii ay ku wada xiriirayeen madaxda hey’adda CIA-da iyo basaasiinta, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in mid kamid ah ragaasi uu fashilay qorshaha basaasnimada.

Madaxda CIA-da waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrinkani.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.