Qaaxa
Qaraxaan oo la sheegay in uu ahaa qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeny oo ku taalla Agagaarka degmada Weyn ee Degmada Xamar Jajab Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ruuxa isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay Albaabka ka celiyeen Ilaalada Maqaayada,hayeeshee uu is qarxiyay,waxaana ka dhashay dhimashada labada kamid ah ilaalada Maqaayada iyo qofkii is qarxiyay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Duudishe) ayaa sheegay in Ruuxa is qarxiyay uu doonayay in uu gudaha u galo Maqaayada, balse ay u diideen ilaalada,isla markaana uu banaanka maqaayada ku qarxay.
Waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen Saddex Ruux oo kala ah laba kamid ah Ilaalada Maqaayada iyo qofka is qarxiyay, halka ay ku dhaawacmeen laba Ruux oo Shacab