Home Afsomali Booliska oo gacanta ku dhigay Eedaysane gacanta kula jiray fal dil ah

Booliska oo gacanta ku dhigay Eedaysane gacanta kula jiray fal dil ah

Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay eedaysani la sheegay in la qabtay isagoo gacanta kula jira fal dil ah.

Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa gacanta  ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon.

Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabeellaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacanta ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaac, Balse waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac ah iyo hubkii uu falka ku geystay.

Eedeysanaha oo dhaawac ah ayey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.