Home Afsomali Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud oo ku guuleystay in uu ka mid Noqdo Xubnaha...

Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud oo ku guuleystay in uu ka mid Noqdo Xubnaha Aqalka Hoose

gafow

Waxaa mar kale saaka magaalada Cadaado ka sii socota doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ku metelaya maamulka Galmudug.

Musharaxa C/qaadir Gaafow Max’uud ayaa ku soo baxay doorashadii ugu horeysay ee saaka ka dhacday Cadaado, isagoo ku guuleystay kursiga beesha Habar-ceyno oo ka tirsan beelweynta Murusade.

Musharaxa C/qaadir Gaafow Max’uud ayaa helay 47 Cod halka uu Cabduqaadir caraale helay hal cod
Guusha C/qaadir Gaafow Max’uud ayaa ka dambeysay ka dib markii ay u tanasuleen musharaxiintii kula tartameysay kursigan oo kala ahaa C/qaadir Shoobaay iyo C/qaadir Caraale, oo labaduba cadeeyay in hankooda kursiga Aqalka hoose ay ka tanaasuleen.

Ergooyinka ka qeyb galayey doorashadan ayaa tanaasulka ka dib u codeeyey C/qaadir Gaafow Max’uud oo ah nin la dhashay taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Somalia Jen. C/llaahi Gaafow Max’uud.

Doorashooyinka Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Somalia ayaa si habsami leh uga socda xarumaha maamul goboleedyada dalka, waxaana illaa hadda ku soo baxay musharaxiin badan , iyadoo kuwa harsana la kala dooran doono saacadaha iyo maalmaha soo socda.

gafow2 gafow3 gafow4 gafow5 gafow6

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.