Home Afsomali Camira man Muxudiin siidow qabiilka aan ahey dartii ayey wasaarada warfaafintu shaqo...

Camira man Muxudiin siidow qabiilka aan ahey dartii ayey wasaarada warfaafintu shaqo iigu diiday

Waxaa Go’aansadey in aan Qalinkeyga ugu hiiliyo Walaalkey Muxyadiin Siidow Xaaji Xasan oo aan kawada mid ahayn Shaqaalihii Talifishinka Qaranka ka dib markii uu sheegey in uu Faquuq kala kula kulmey Wasaaradii uu u shaqeyn jirey oo Naftiisa u soo horey

Waxaan weydiiyey Goormaa Talifishinka Qaranka aad ku soo biirtey waxaana uu yiri “Waxaa ka mid ahaa Shaqaale ka Tirsanaa Wakaalada Filimada Soomaaliyeed ka dib waxaa aniga iyo koox kale nalagu biiriyey Talifishinkii Qaranka Sannadkii 1986” waxaan weydiiyey aqoontaada Kaamirada ee Xiligaan ka waran waxaa uu ku jawaabey “ aad bay u sareysaa waxaan Muddo dheer ka shaqeysanayey Dalka Kenya marka Xirfadeyda aad bay uga sareysaa sidii Hore.

Waxaan weydiiyey Wasaarada ma tagtey oo ma weydiisatey in ad Dib ugu laabato Shaqadaadii waxaa uu yiri” “Muddo aad u fog ayaan si aad ah u raajicinayey in aan dib ugu laabto Shaqadeydii hase yeehee waxaan kuu sheegayaa in Qabiil la igu Faquuqey oo Xitaa la ii dIidey in aan galo Wasaarada Warfaafinta aan u shaqeyn jirey sidoo kale Xitaa waxaan Codsadey in la ii qoro Guno taasina waa la iga hor istaagey

Sidoo kale waxaan weydiiyey in uu haysto wax aqoonsi ah oo ku aadan Shaqadaadii hore waxaa na uu yiri “ Amiin adiga ka Marqaati in aan ka tirsanaa talefishinkii Qaranka marka waa haystaa aqoonsi igu filan waxaan intaa kuu raacinayaa in Mushaarkii ugu dambeeyey ee aan ka qaato Talifishinka uu ahaa 1200 Shilin Soomaali (Kun iyo Laba Boqol Shilin Soomaali}

Muxyadiin Siidow waxaa uu ugu Dambeyn u soo jeediyey Madaxda Qaranka iyo kuwa Wasaarada Warfaafinta in ay Deg deg arrintaan wax uga qabtaan maadaama aan tirsanayo Cadaalodaro sidoo kale waxaa ogahay in Dad badan oo Wasaarada ka tirsan in ay Mushaar ka qaataan Dhowr meelood.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.