Home Afsomali Dhageyso Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ku Gacan seyray inuu tago...

Dhageyso Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ku Gacan seyray inuu tago Maxkamada Racfaanka gobalka Banaadir

Iyadoo maanta maxkaamda racfaanka gobolka banaadir lagu balansan yahay dhagaysiga dacwada siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur warsame ayaa siyaasiga waxa uu sheegay in maanta maxkamada uusan hortagi doonin.

Cabdi Raxman Cabdi Shakuur warsame  ayaa tilmaamay in maxkamada goboka banadir ay fulisay xukun cadalad ah, Islamarkaan aysan jirin wax dacwad ah oo uu ka qeyb galayo maanta,isagoo intaa ku daray in uusan wakiilan doonin qareena ku matala dacwadaas .

Todobaadkii hore ayay aheyd markii maxkamada racfaanka gobolka banadir ay dhagaysatay  dacwada siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur,iyadoo xiligaas  loo balamay 3 bisha koowad oo maanta ku beegan.

Hayeeshee Waxaana la ogeyn go’aanka ka soo baxay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaan la ogeyn Hadalka ka soo bixi Doono Maxkamada racfaanka gobalka banaadir.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.