Home Afsomali Ciidamada Galmudug Oo Hawlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Ka Wada Gobolka Galguduud

Ciidamada Galmudug Oo Hawlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Ka Wada Gobolka Galguduud

 

Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa  VOA  u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Illaa haatan ma jiraan ilo madaxbanaan oo caddaynaya jiritaanka weerarkaas iyo sida uu u dhacay, waxaana adag in dadka deegaanka khadka telefoonka lagu helo.

Dhinacakale masuuliyiin katirsan Galmudug  ayaa waxa ay sheegeen in hawlgallo ka dhan ah maleeshiyada al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galgaduud balse faahfaahin kamay bixinin weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.