Home Afsomali Ciidamo ka socda Booliska AMISOM oo la geeyay Dhuusamareeb & Baraawe

Ciidamo ka socda Booliska AMISOM oo la geeyay Dhuusamareeb & Baraawe

Nigerian Formed Police Unit personnel serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM), attend a medal award ceremony to mark the end of their tour of duty in Somalia on January 09 2020. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb  ee Gobolka Galgaduud &  degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed  la geeyay Ciidamo ka socda Booliska Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadaan oo horay muqdisho loogu tababaray ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Goobaha dhawaan ay ka billaabaneyso doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Dhawaan waxaa degmada Baraawe gaaray Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo kormeer amni ku sameeyay Goobta loogu talo galay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana Guddiga ay sheegeen in Baraawe noqon doonto goobta ugu horreeysa ee aga bilaabo doorashada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Ciidamo ka socda Boolis AMISOM ayaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kuwaas oo qeyb ka noqonaya sugida amniga doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda tagaan Magaalafa Dhuusamareeb illaa 250 askari Itoobiyaan ah oo xoojinaya Ciidanka Jabuuti ee horay u joogay magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay xilligaan kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee qabashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.