Home Afsomali Ciidamo uu wato Faarax Kooshin oo alshabaab dagaal ku Galay inta u...

Ciidamo uu wato Faarax Kooshin oo alshabaab dagaal ku Galay inta u dhaxayso maxaas iyo buulaay

Dagaal u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa caawa ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-burde iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab  ay weerar jid gal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Maxaas iyo Buulo-burde.

Taliyaha guutada shanaad, qeybta 27aad ee xoogga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa la sheegay in uu wato ciidamada loo galay wadada.

Ciidamadaas ayaa la sheegay inay ka bexeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kuna sii jeeday degmada Buulo-burde ee isla gobolkaas, waxayna dagaal xoog leh kala kulmeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo u galay wadada u dhaxeysa labadaas degmo.

Dagaalka ayaa bilaawday makhribnimadii hore ee caawa waxaana la sheegay in goobta lagu dagaalamayo oo ah dhul miyi ah uu wali ka socdo dagaalku, isla markaana laga maqlayo dhawaqa hubka la isku adeesanayo.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi waxaana aad u adag in war laga helo deegaanada  uu dagaalka ka socdo isgaarsiinta oo aad u liidata aawgeed, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.