Home Afsomali Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska DANAB gaar ahaan Horinta Gaadiidka Gaashaman Ee MU ayaa Hawlgallo lagu xaqiijinayay Ammaanka sameeyey degaanada ka lafoole Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay howlgalka ku qabteen laba kamid ah Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen Goob si qarsoodiya ugu kaydin jireen waxyaabaha ay ku marin habaabiyaan bulshada kuwaas oo ay ka mida ahayeen Cajalado DVD, Bugaag & kaydiyaal iyo sidoo kale Basabooro Farabadan.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degaannada ku teedsan wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.