Home Afsomali Ciidanka DANAB oo howlgallo kula wareegay degaano dhowr ah

Ciidanka DANAB oo howlgallo kula wareegay degaano dhowr ah

Ciidanka kumaandooska xooga dalka Soomaliyeed ee DANAB gaar ahaan ururka 163aad Guutada 16’aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegey Deegaanka Shabeeloow ee Gobolka Mudug

Degaankaan ayaa istaraatiijiyad weeyn u ahaa  Al-Shabaab oo muddo tobanaan sano ah ka badan ku sugnaa degaankaas, isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada.

Howlgalka inti oo socday ciidanka ayaa gabi ahaan burburiyeen Xarumihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,  sida uu sheegay Taliye ururka 163aad guutada 16aad ee kumaandooska DANAB Axmed Maxamed Salaad.

Degaano kale oo katirsan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa weli howlgallo xoogan ka wada Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.