Home Afsomali Ciidanka Nabad-galayada oo bilaabay sumadeynta Waddooyinka Muqdisho

Ciidanka Nabad-galayada oo bilaabay sumadeynta Waddooyinka Muqdisho

Ciidamada nabad-gelyada waddooyinka magaalada Muqdisho (Traffico) ayaa bilaabay sumadeynta hagaagsan iyo tilaamaha waddo marista , si loo yareeyo shilalka ka dhaca waddooyinka mashquulka badan.

Taliska ciidanka taraafikada ayaa sheegay in sumadeynta waddooyinka magaalada Muqdisho uga gon leeyihiin , sidii wax looga bedeli lahaa habraaca iyo nabad-gelyada dadka iyo gaadiidka waddooyinka mara.

”Tilmaamahaan ayaa wax ka badalidoona is barbaryaaca iyo Nabadgalyada Ummadda iyo Gaadiidka mara wadooyinka Caasimada, sumadeyntan ayaa sidookale sare u qaadi doonta bilicda caasimada oo la jaanqaadeysa caasimaadaha dhigeeda ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska taraafikada.

Laamiyada magaalada Muqdisho ayaana horey u laheyn calaadamo iyo shuruuc kala hagta gaadiidka iyo dadka isticmaala, waxaana waddooyinkaasi ku yar ciidamada nabad-gelyada ,kuwaa oo gelinka hore ee maalintii kaliya lagu arko waddooyinka qaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.