Home Afsomali Col. Caarre oo Weeraray saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo.

Col. Caarre oo Weeraray saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo.

 

Kooxo hubeysan oo sida la sheegay ka tirsan Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ooka falaagoobay  maamulka Somaliland ayaa  weeraray saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxaa la sheegay inuu sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Ciidanka Somaliland ee ku sugnaa saldhigga ayaa la sheegayaa inay iska caabin kala hortageen Jabhadda weerarka ku qaadday Saldhigga.

Dadka degaanka ayaa sheegay iney xalay saqdii dhexe maqlayeen rasaas culus oo ka dhaceysa aaga saldhiga Booliska degmada, iyagoo intaas ku daray iney cabsi iyo argagax dareemayeen.

Ciidamada uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa waxaa ay dib ugu laabteen saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.