Home Afsomali Cunto kariyihii hore ee putin hadan ah hogaamiye sare oo ruushu ka...

Cunto kariyihii hore ee putin hadan ah hogaamiye sare oo ruushu ka cabsado

Cunto kariyihii hore ee Putin hadan ah hogaamiye sare oo ruushu ka cabsado

Bilyaneer Yevgeny Prigozhin, Aas-aasaha kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin wuxuu si wayn uga soo ifbaxay duulaanka Ruushka ee Ukriane, isaga oo madax u ahaa koox calooshood u shaqaystayaal Ruush ah oo meelo muhiim ah dagaalka uga jiray.

Ninkaan kuma cusba maxabiista Ruushka, wuxuu ciidan ahaan u qortay kumanaan da mbiilayaal ku xirnaa xabsiyada Ruushka, si ay uga mid noqdaan kooxdiisa Wagner – isaga oo aan u eeg eyn sida ay u xumaayeen dambiyadii ay geysteen – marba hadii ay uga dagaalmayaan Ukraine

Ka hor inta uusan Ruushku bilaabin dagaalkii ugu xumaa ee Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee dunida, Prigozhin waxaa lagu eedeeyay farogalinta doorash ooyinka Maraykanka iyo balaraarinta saameynta Ru ushka ee Afrika.

Sidee ninkan bilow mugi badan leh uu u yeeshay saameyn nuucaan ah iyo sumcad xun oo aad looga cabso.

BilowgiisiiYevgeny Prigozhin wuxuu ka soo jee daa St Petersburg, oo ah isla halka uu ka ymid Vla dimir Putin.Xukunkiisii maxkamedeed ee ugu horeey ay wuxuu ku dhacay 1979 kii, isaga oo 18 jir ah, tuu ganimo ayaa loo xiray laba sano iyo bar. Laba sano kadib waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay dhac iyo tuuganimo, sa gaal sano oo kamid ah mudadaas wuxuu ku jiray xabsi.

Kadib markii laga soo daayay xabsiga, Prigozhin wuxuu aasaasay miisas badan oo lagu iibiyo hilbka lo’da oo la shiilay gudaha magaalada St Petersburg. Ganacsigii ayaa u bulaalay, sanado gudahood ayuu magaalada ka furtay maqaayad wayn oo qaali ah.

Yevgeny Prigozhin iyo putin XIGASHADA SAWIRKA, REUTERS Qoraalka sawirka,

Yevgeny Prigozhin (bidix) oo la sawiray isaga oo qidmeynaya Putin sanadkii 2011 kii.

Halkaas ayay ka bilaabatay xooggii iyo sareyntii uuu ku yeeshay St Pete rsburg kadibna Ruushka oo dhan. Mid kamid ah maqaaxiyahiisa oo la dhihi jiray New Island, waxay ahayd doon dul sabeyn eysa wabiga Neva. Vladimir Putin ayaa aad u jeclaa – markuu madaxweyne noqday kadib, wuxuu bilaa bay inuu halkaas geeyo martidiisa dibadda ka timaa da. Sida ay u badan tahayna waa halka ay ku kulm een labada nin.

“Valdimir Putin… dhib uma arkeyn inaan saxam ada cuntada u geeyo marti sharafta,” Prigozhin ayaa ku yiri wareysi. “Waannu kulanay mar uu la yimid ra’ iisyul wasaaraha Japan Mori.”

Yoshiro Mori wuxuu booqday St Petersburg bishii Aprill ee sanadkii 2000, bilowgii xukanka Vladimir Putin.

Putin wuxuu aaminay Prigozhin ilaa uu kala qayb galay xafladda dhalashadiisa oo ka dhacday maqaayadda New Island sandkii 2003 dii.

Sanado kadib, shirkadda cuntooyinka diyaarisa ee Prigozhin ayaa heshiis lagula galay in ay cunto geyso aqalka Kremlin ka ee Ruushka looga taliyo, isaga oo qaatay naaneysta ah, “cunto kariyaha Pu tin”. Shirkadaha uu leeyahay Prigozhin sidoo kale wa xay ku guuleysteen qandaraasyada cunto u daabul idda milatariga Ruushka iyo sidoo kale iskuuladda ay dawladdo maamusho.

Wagner

Sanadkii 2014 kii, markii Ruushku ku duulay Ukraine, ayay muuqatay in Prigozhin uusan ahayn ganacsade iska caadi ah. Shirkad qaas ah oo milat ari oo xiriir isaga la leh ayaa la soo wariyay in ay ciid amada Ukraine kula dagaalameyso bariga gobolka Donbas.

Sida caadiga ah waxaa loo yaqaannaa Wagner – kadib markii magaca afgarashada ah uu isticmaa lay mid kamid ah taliyaasheedii ugu horeeyay. Wax aa la sheegay inuu jeclaa Naazigii Jarmalka, taas oo shaqadii hal abuurkii qarnigii 19 aad u leexisay sa meynta borobogaandooyinka.

Ka badlista nidaamka Naaziga Ukraine, wuxuu ka mid ahaa waxaa yabihii madaxweyne Putin u kiciyay duulaanka uu ku qaaday Ukraine2022 kii.

Ciidamada Ukraine oo iska difaacaya kooxda Wag ner

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.