Home Afsomali Daawo Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah ciidankiisa oo la qab qabtay...

Daawo Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah ciidankiisa oo la qab qabtay iyo dagaalkii socday oo…

Generaal Sheegow & 30 Askari oo kuwiisa ah oo gacanta lagu dhigay & Ciidanka Boliis Military oo ku qeylinaya Shuute  Guriga Generaalka oo 5 dhimasho laga soo saaray  .

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka somalisan.com  ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda gacanta ku dhigeen jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah ciidankiisa ilaalada u ahaa.

Ciidanka Janaraalkan katirsan milatariga Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay dagaal adag kula jiray ciidanka xasilinta caasimadda, waxaana ugu dambeyn la sheegay in ciidanka xasilinta ay qabteen jeneraalka iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Dagaal in ka badan 10-saacadood socday ayaa dhax maray ciidanka ammaanka iyo ciidamada jeneraal Sheegow, waxaana dagaalka intii uu socday la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidanka xasilinta oo helay gurmadyo badan ayaa ugu dambeyn dagaalka soo afjaray, waxa ayna ciidanka horey u xireen Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah askartii xalay ilaa saakay u dagaalameysay.

Laamaha ammaanka ayaan wali ka hadlin dagaalka xalay ilaa saakay ka socday magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale laamaha ammaanka kama aysan hadlin xariga jeneraalka dagaalka ku lugta lahaa.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee caasimadda Muqdisho ka dhaca mudooyinka, waxa uuna dagaalkan imaanaya xilli dowladda Soomaaliya isku diyaarisay howlgal milatari oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan Galmudug.

https://fb.watch/mw9wf7T2hN/

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.