Qof goobjooga ah ayaa sheegaayo in lalayahay gaadiidka gurmadka ee Anbalaas
Agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Cabdi ayaa qaraxa ku dhintay. Baa la leeyahay ma saxbaa Alloow Alle! Xogaha qaar kood lama hubo lkn waxaa jira oo la hubo khasaaro Culus dhimasho iyo dhaawacba leh Dadka ku dhaawacmay Weerarkaasi Argagixisanimo waxaa ka mid ah Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.
Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa ka tacsiyadeeyay geerida agaasimhii xiriirka gobolada ee Wasaaradda & dadkii kale ee ku dhintay weerarkii ka dhacay
Wasiirka howlaha guud iyo guryeenta galmudug Axmed Waashitoon ayaa qaraxa ku dhaawacmay
Ciidamada Amniga ayaa toogtay Laba Kamid ah Dableyda weerarka fuleysay, hadda xaaladdu way dhawdahay oo ragga dagaalamaya waa la xakameeyay in aysan qeybta dabaqa u gudbin, insha Allah waxaan rajeynayaa in goordhaw faahfaahin dhammeystiran aan idinla wadaago.