Home Afsomali Danjirihii hore ee somaliya u fadhiyey Kenya oo ku Dhawaaqay in uu...

Danjirihii hore ee somaliya u fadhiyey Kenya oo ku Dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynenimo ee dalka somaliya

Cali America

Danjire Maxamed Cali Ameeriko: Hogaamiyihii ay Somali sugeysay

Waxaa daabacay Asad Maxamed Gacal Mar kasta oo Soomaaliya ay doorato madaxweyne cusub, waxay shacabka Soomaaliyeed ku niyad dhistaan inuu yahay madaxweyne ugu dambeyn dalka ku hoggaamin lahaa dowladnimo dhab ah iyo hoggaan daacad ah.

Bilo ama sanado yar kadib waxay xaaladda u muuqataa rajo lagu hungoobay, waxaana

durbaba billaabma hadal hayn ah “Kii hore ayaa dhaamay midka”. Bilo yar kadib waxay Soomaaliya mar kale dooran doontaa madaxweyne cusub, laakiin Soomaalida waxay markan haystaa fursad laga yaabo inaysan dib usoo marin oo ay ku dooran karaan madaxweynihii ay muddo ku taamayeen.

Dadka hadda masraxa siyaasadda ka muuqda, lana filayo inay tartamaan sanadkan,

waxaa sida dab deex laga taagay uga dhex muquda shaqsi Soomaalida ay muddo ku

tilmaamayeen “Geesi qaran iyo wadani dhab ah”. Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko, waxaa Soomaalida inteeda badan ay ku taqaanaa inuu yahay safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya, iyo u damqade shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cali Ameeriko oo iminka Soomaali badan ay ka codsanayaan inuu is-sharxo

si uu dalka u bad-baadiyo, ma ahan nin qorshihiisu yahay inuu xilka u qabto oo

kaliya xil qabasho, ee waa muwaadin fahamsan dhibka Soomaaliya haysta, iyo sida

lagu xalin karo.

Haddii aadan fahamsaneyn meesha dhibka ka jiro, marnaba lagama yaabo inaad

xaliso, waana taas sababta Danjiro Ameeriko uu u yahay fursad Soomaalida ay

haysato, oo ay tahay inay ka faa’iideystaan.

Diblomaasigan rug-cadaaga ah waxa uu rumeysan yahay in in badan oo ka mid ah

dhibaatooyinka Soomaaliya haysta ay yihiin kuwa shacabka ay ayaga un xalisan

karaan, balse ay la’yihiin hoggaan daacad ah oo awood badan oo tubta toosan ku

haga.

Intii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya,Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko

waxa uu ahaa muwaadin iyo diblomaasi difaace u ah qaxootiga Soomaaliyeed ee

dalka. Qorshihiisa dalka iyo hadafkiisa ugu weyn waa inuu dadka siiyaa hoggaan,

islamarkaana fursado u abuuro dhallinyarada, isaga oo sidoo kale rajo iyo

mustaqbal ifiya u tusmeynaya dadka.

Danjiraha waxa uu rumeysan yahay in inkasta oo Soomaaliya ay carqalado ku jirto

25 sano, haddana uu ilaah ku maneystay xeebta ugu dheer Africa, shidaal

keydkiisa la rumeysan yahay inuu ka badan yahay kan dalka Qadar, laguna qiyaaso

110 bilyan oo barmiil, macdanta uranium-ka, laba wabi oo dhaadheer, kalluumeysi

iyo dhul ku wacan beerashada.

Danjire Ameeriko waxa uu wax ku bartay dalka Mareykanka, isaga oo ka qalin

jebiyey jaamacadaha Montgomery College iyo University of Maryland ee gobolka

Maryland, halkaasi oo uu ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha.

Markii uu qalin jebiyey sanaddii 1985-kii, waxa uu ku laabtay dalka, isaga oo ka

shaqeeyey bankigii dhexe ee Soomaaliya, oo uu madax ka ahaa qeybta xisaabaadka,

ka hor inta uusan dagaalkii sokeeye qarxin.

Astaamo kasta oo hoggaamiye lagu dooraan lahaa sida:- aqoon, daacadnimo

wadaninimo, howl-karnimo, damqasho iyo aragti fog intaba wuu lee yahay Maxamed

Cali Ameeriko.Waxaan shaki ku jirin in haddii la doorto Danjire Maxamed Cali Ameeriko, ay oraahdii ahayd ”Kii hore ayaa dhaamay midkan” isku beddeli doonto oraah ah

”Maxaan mar hore u dooran weynay”.

Danjire Maxamed Cali Ameeriko: Hogaamiyihii ay Somalia sugeysay

12 COMMENTS

Leave a Reply to Hakiin Geedi Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.