Home Afsomali Dawlada Ruushka oo lacago deyn ah ka cafisay Soomaaliya

Dawlada Ruushka oo lacago deyn ah ka cafisay Soomaaliya

Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad Dawladda Ruushku lacag dhan $684 million Uga Cafisay  Dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $684 million.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu maanta ka furmayo Shirwaynaha Afrika iyo Ruushka, ayaa Muhiimad weyn  u ah u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska  Soomaaliya .

Wasiirka Maaliyada Xukuumdda Soomaaliya ayaa qayb ka ah wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya   Saalax Axmed Jaamac oo ka qaybgalaya shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.