Home Afsomali Deg deg: Daawo sawirada qaraxii Hotelka SYL ee Maanta lala beegsaday

Deg deg: Daawo sawirada qaraxii Hotelka SYL ee Maanta lala beegsaday

Somalisan.net: Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii goor dhow ka dhacay banaanka Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada, iyadoo la sheegayo in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ay dhaawacyo ka soo gaareen, Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga Maxamed Cali Xaggaa oo u waramayay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in isaga iyo labo wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ay dhaawacmeen qaraxan oo ahaa mid saameeyay dhismaha Hotelka iyo dhismayaasha kale ee ku dhow, Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay wasiirada dhaawaca fudud soo gaaray wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, balse si rasmi ah looma xaqiijin dhaawaca soo gaaray wasiir Maareeye.

Dhaawacyada mas’uuliyiinta ayaa ah kuwo ka dhashay burburka hool ay ku jireen oo ay ka socotay munaasabad aan illaa iyo hadda la sheegin, Illaa 12 ruux ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhinteen, halka dhaawacana ka badan yahay 30-meeyo ruux, Waxaa kaloo qaraxa ku dhaawacmay Wariyeyaal ka shaqeeya warbaahinta dowladda iyo kuwa kale, waxaana la sheegay inay qaarkood ku sugnaayeen Hotelka SYL oo munaasabad ka socotay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ka hor inta aanu qaraxa dhicin la rasaaseeyay gaariga qaraxa fuliyay oo ahaa kuwa xamuulka oo loo yaqaano DYNA, inkastoo xawaarihii uu ku socday aanay hakin gaariga,
Hotelka SYL ayaa qeyb ka mid ah bur burtay, gaar ahaan darbigii xigay dhanka laamiga, sidoo kale waxaa bur bur soo gaaray dhismayaal kale oo ka ag dhow agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka.

Qaraxan ayaa waxaa ku soo beegmay xilli ay dowlada Federalka shaacisay inay u diyaargarowday shirka madaxda dowladaha ku jira urur goboleedka IGAD oo bisha soo socota lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

DAAWO SAWIRADA

QARAX-SYL-1 QARAX-SYL-2 QARAX-SYL-3

5 COMMENTS

Leave a Reply to Maryan Jacfar Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.