Home Afsomali DFS oo sheegtay in guul laga gaaray dagaalki Dhaqaalaha ee lagu qaaday...

DFS oo sheegtay in guul laga gaaray dagaalki Dhaqaalaha ee lagu qaaday Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoono iyo Akoono tiro badan oo lacagaha looggu diri jiray isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji, oo qoraal ku baahiyey baraha bulshada ee Internet ka, ayaa wuxu sidoo kale jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeeray ninka Afhayeenka Al-Shabaab ee la yiraa Cali Dheere isaga oo carabka ku adkeeyey in dagaalka lagu la jiro uu yahay go’aan shacab oo aan istaagi doonin illaa looga xoreynaayo dalka.

“Dhiigyo cabka Al-Shabaab ee la yiraa Cali Dheere markii isaga iyo khawaarijtii kale la jabiyey wuxu maanta miciin biday calaancal iyo catow, waxaan se u sheegayaa in dagaalkani aanu istaagi doonin illaa inta laga xoreynayo dalka, waana go’aan shacab ee maydkaaga inta aanay haadu ka dhergin ama aanad cidlo ku bakhtiyin adiga iyo khawaarijta kale ba isa soo dhiiba”.  Ayuu yiri Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi.

Wasiirku, wuxu sidoo kale tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu cadeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday Al-Shabaab kaas oo uu tilmaamay in uu ahaa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed, waxaana uu yiri:

“Cali Dheere, wuxu maanta innoo cadeeyey inay Al-Shabaab ku jabeen dagaalkii dhaqaalaha ee ay ku qaaday dawladdu, waana guul innoo soo hoyatay oo lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay lee yihiin ganacsato Soomaaliyeed”.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu sheegay in Cali Dheere aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana cidda laga ilaalinayaa ay tahay Shabaabka uu ka tirsan yahay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:

“Cali Dheeroow adiga iyo khawaarijta kale ba wax ba la idin ka waydiin mayo ilaalinta hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinayaana waa idinka oo khawaarij ah oo xalaashaday dhiiga iyo hantida umadda Soomaaliyeed”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.