Awoodayadaan Baranay waxay ay cadeyneysaa in somalidu isku dashay cid kala celisana ay weyday in hubka la iskuugu dhiibo mooyee waxaanu idiin doorbiday
Awoodayadaan Baranay oo codkoodii
fanaaniinta Faraax Siidow faarax iyo Hibo maxamed oo ay la Jiibinayaan Hoobaladii Waaberi, Erayadii Abwaankii weynaa ee
Yuusuf Aadan Allaale (AHUN) ee ay walaalaha ahaayeen Abwaankii kale ee caanka
ahaa Cismaan Aadan Askari (AHUN). Dhegaysi Haboon.
Miraha heestaa waxaa ka mid ahaa
(1)
Nacabkayagaan Aragnay
Is ilaaliyaan Baranay
Aayaha Dhulkaan fahanay
Dad is aaminaan Noqonay
Isku uursan baan noqonay
Isku Aabba aan noqononay
Allahayoow
Dhulkayaga abuurkiisa
In ilqaado ka ilaali
Alahayoow
Dhulkayaga amaankiisa
Nimuu eedo ka ilaali
Islaam soocan baan nahaye
Eeboow alahayoow
Adiguna na taageer ilaahoow
 
(2)
Ololaysanoo Orodnay
Onkod noo baxyoo maqalay
Ilays noo ifyoo yaacnayeey
Abaartii hadhoo Raynayeey
Durba aynigeen gaadhnayeey
Asaageen badhbaan dhaafnayeey
Alahayoow
Dhulkayaga abuurkiisa
In ilqaado ka ilaali
Allahayoow
Dhulkayaga amaankiisa
Nimuu eedo ka ilaali
Islaam soocan baan nahaye
Eeboow alahayoow
Adiguna na taageer ilaahoow
(3)
awoodayadaan Garanay
Imtixaan hadaan ka baxnay
Ikhtiyaarkayaan soconay
Aduunkii haduu na bartay
Soomali amaan ka helay
aqoon loogu soo aadayaa
Alahayoow
Dhulkayaga abuurkiisa
In ilqaado ka ilaali
Allahayoow
Dhulkayaga amaankiisa
Nimuu eedo ka ilaali
Islaam soocan baan nahaye
Eeboow alahayoow
Adiguna na taageer ilaahoow
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0