Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay nin lala sheegay in Uu galay dambi dil ah oo uu u geystey qof dumar ah iyadoo xukunka dilka ahna lagu fuliyay deegaanka Mukeyla ee gobolka Hiiraan.
Maxkamada Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegtay in ehelada qofka la diley ay dalbadeen in loo qisaaso marxuumada hore loo diley, sidaas awgeedna maxkamada Shabaab ay fulisay xukunka dilka ah.
Qaadiga Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay ehelada marxuumka horay loo dilay inay dalbadeen xukunka qisaasta ah, sidaasina maxkamadda xukunka ay ku riday.
Al-Shabaab ayaa inta badan fuliya xukuno kala duwan oo ay ku riddaan dadka ay ku eedeeyaan in ay geysteen falalka dilalka iyo kufsiga.