Home Afsomali Dhageyso Reer Hiiraan oo banaanbax ku yiri waanala heystaa ee alow dhagaxyo

Dhageyso Reer Hiiraan oo banaanbax ku yiri waanala heystaa ee alow dhagaxyo

Baladweyne

Banaanbax nabadeed ayaa ka dhacay magaalada Baladeyne ee xarunta gobolka hiiraan waxayna banaanbaxayashu dalbanayeen in dowlada iyo ururgoboleydka igaad ay joojiyaan dhismaha maamul u sameynta gobolada hiiraan iyo sh/dhexe oo la qorsheynayo in uu shirka maamul u sameynta labada gobol uu ka furmo magaalada jowhar ee xarunta u ah gobolka sh.dhexe

Boqolaal iskuugu jira odoyasha dhaqanka siyaasiyiin xildhibaano hore dhalinyaro iyo haween caraysan ayaa horboodayey isku soo baxaan oo ahaa mid la soo abaabulay waxayna eeday dusha ka saareen dowlada fadraalka iyo urugoboleydka igaad oo ay tilmaameen in ay wadaan howlo ay qabaailada hiiraan iyo sh/dhexe ku abuuri karto colaad iyo dagaalo dhiig ku daato waxayna ugu  baaqeen in ay joojiyaan maamul u sameynta labaga gobo lee hiiraaniyo sha/dhexe  .

Ka qeyb-galayaasha dibadbaxa ayaa sitay boorar ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan go’aanka duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, iyagoo dhinaca kalana adeegsanayay erayo ka dhan ah dowladda federaalka iyo urur gobolleedka IGAD.

Ugu dambeyntii, isku soo baxaan dadweyne ayaa u muuqday mid lagu xoojinayo kulankii ee Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ay shalay ku qabteen magaalada Beledweyne, iyaga oo mar kale ku celiyay mowqifkooda dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Labada gobo lee hiiran iyo sh/dhexe ayey dowladu dooneysaa in ay u dhsito hal maamul oo ay ku midaysan yihiin balse labada shacab ayaa mid walbo sharuud ku xiray arimaha maamul u sameyntooda kuwaas oo aan weli xal laga garin sidii shacuubta labada gobol loogu qancin lahaa in ay  hal  maamul midoobaan.

 

145 COMMENTS

Leave a Reply to Habiba Husien Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.