Waxaa Maanta galinkii dambe Dagaal Xoogan oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowlada uu ka dhacay Degaanka Basra ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe sida Dadka Degaanka ay ino shegeen.
Mid ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay Danan ayaa sheegay in Galabta Dagaal Xoogan oo Hubka Nuucyadiisa kala duwan laisku adeegsaday uu ka dhacay Degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana Dagaalkas uu dhexmaray Ciidanka Dowlada, iyo Al-Shabaab,waxa uuna tilmaamay in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar xoogan ay ku soo qadeen Fariisin Ciidanka Dowlada ay lee yihiin Degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhanka kale waxa uuna sheegay Goob joogaha in Dadka ku Noola Degaanka Basra ay ka baxeen Degaanka,iyaga oo ka cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Dowlada iyo Al-Shabaab,waxa uuna hoosta ka xariiqay in hadda Degaanka Basra ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowlada,islamarakaana ay Xaladda Dagan tahay,laakin laga cabsi qabo in markale uu Dagaal ka dhaco Degaanka.
Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah loo dhigay ciidamo Mareykan ah iyo Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xoogag katirsan Xarakatu Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada huwanta ah oo kasoo amba baxay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.
dadka deegaanka ayaa sheegay inuu weerarkan ahaa mid culus hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayna maqlayeen Jug culus oo ay u maleynayaan iney tahay Qaraxyo dhulka lagu aasay.
Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay weerrar ku qaadeen Ciidamo Soomaali iyo kuwo Mareykan ah oo marayay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina ay ku gubeen gaadiid dagaal uuna jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada weerarka Daba galka ah la kulmay.
Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa maal mahan ka waday inta u dhaxey