Home Afsomali Dhageyso Cabweli Gaas hadalka Xasan Sheikh wuxuu muujinayaa aqoondarada ka heysata gobolada...

Dhageyso Cabweli Gaas hadalka Xasan Sheikh wuxuu muujinayaa aqoondarada ka heysata gobolada dalka iyo gaadiid ku xaniban gaalkacyo

Cabdi weli Gaas

Madaxweyna Maamul goboleydka Puntland  Cabdiweli Cali Gaas,ayaa dib ugu ku laabtay deegaanada maamulkiisu karamiyo ka dib safar uu ku soo maray wadamado kala duwan ,

Cabdiweli Cali Gaas ayaa shir jaraid ku garoonka oo ay ku soo dhaweeyeen qaarka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta Puntland iyo saraakiil ciidan ,wuxuuna shirkiisa jaraid kaga hadlay arimo badan isaga oo ka warbixiyey natiijada safarkiisa iyo wadamada uu ku soo maray socdaalkiisaa .

Madaxweyne Gaas ayaa ugu danbeystii jawaab ka bixiyey hadal uu shegay in dhawaan uu ka soo yeeray madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud oo ku saabsan Soohdimaha  iyo gobolada uu ka arimiyo maamulka puntland.

Geesta kale masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa booqday goobaha ay ku xaniban yihiin gaadiidka xamuulka sida ee soohdimaha ay dhawaan xireen masuuliyiinta puntaladn waxayna sheegeen in aysan ka laaban doonin Go.aankooda kol hore ay ka gaareen gaadiidka badeecadaha kala duwan sida in aysan u soo gudbi Karin dhankooda , Waxaana gaadiid farabadan ay ku xaniban ihiin dhinaca koofurta iyo waqooyiga magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudub .

Gudoomiyaha gobolka Mudub dhanka maamulka Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray halka uu ka dhaqan galay amarka maamulka Puntland waxaan ay halkaasi kula kulmeen Darawalo iyo ganacsato gaadiidley uu u rarnaa kuwas oo laga soo raray dakada magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari

Ganacsatada ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedaan in ay rarka halkaa ku dajiyaan ayna doonayaan iyo xakuulkooda ay geeyaan gobolad dhexe iyo kuwa koofureyd ee dalka ,

Waa kan mid ka mid ah darawalada oo la halay golaha midnimada somaliyeed somalicumunito 311 wuxuuna iska riixay in ay leeyihiin Masuuliyada qaraxyada ka dhaca magaalada Gaalkacyo .

Gudoomiya Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa difaacay amarka gaadiidka lagu xanibay oo uu shegay in uu yahay mid sharci ah cidii ka Diidana xabsiga la dhigayo .

Inkata oo aysan dhicin wax qaraxyo ah Tan iyo amrkii puntland ay xirtay soohdimaha ayaa hadana waxaana arintaan culeys kala kulmay ganacsatada iyo gaadiidka isaga goosha deegaanadaas waxayna rumeysan yihiin in maruun la furi doono balse aysan ka warheyn goorta ay noqoneyso.

29 COMMENTS

  1. cabdiweli cali gaas wa madaxweyne lagu dayan karo dhankasta wana nin dhalinyarada dhira geliya isaguna waba nin dhalinyarada ka mida ba ila ega cawa marka wararka Tv yadu sogalan mudane silanyo raga u xilka u dhiibo wa wada odayaal madax cad O ciro kutalo cabdiwelina raga u xilka u dhibo wa wada dhalinyaro wax ciro leh waxa ku jira wasiirka waxbarashada

  2. Gaasow awal waxan kumoodaynay manoqon waxad kahortimi go,anki wanagsana ee joojinta qaadka waxa tahay qof an wax ba ahayn xuman iyo wanagna makala taqaan waxkasta madax wayne xasan kuxumay ayaa kuu muuqata

  3. tankale Babuurta Ad ledahay way xanimanyihin ba ku dhibaysa lkn kuma dhibayso dhibka logaystey matida, caruurta isbitalka o waliydhigodi derbiyada ku yalo xanimaad adan ka maqalnay lkn puntland Abnigeeda nina udabafarisan mayso wixi dida in la varana wa Al shabaab iwm

Leave a Reply to Suldaan Muumin Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.