Home Afsomali Dhageyso Cameey xal kale oo noo furaa ma jirin

Dhageyso Cameey xal kale oo noo furaa ma jirin

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in khilaaf xoogan uu ka dhex dhaliyo Guddigii uu  Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Isaga ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu baal maray xeerkii Magacaabida Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka Golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Cabduweli Gaas uusan kala tashan Magacaabista taas oo uu sheegay inay waajib tahay,sababta kale ayuu sheegay inay Guddiga qeyb ka yihiin Xubno Maamulka Puntland hadda ka tirsan ehelo dhowna ay yihiin Madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey waxa uu Magacaabay Guddi kale,isaga oo kulan la qaatay Xubnaha ku midoobay musharixiinta Madaxweynaha Puntland.

20 Sano oo uu Maamulka Puntland jiro waa markii ugu horeysay oo Madaxda Maamulkaas isku khilaafaan Guddigaas,waxaana dad badan khilaafkaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa u arkaan mid jahwareer gelinaya Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.