Home Afsomali Dhageyso Ciidamada Kenyo oo isaga baxay qeybo ka tirsan Gobolka Gedo

Dhageyso Ciidamada Kenyo oo isaga baxay qeybo ka tirsan Gobolka Gedo

Korneel Guhaad Maxamed Cumar oo ka tirsan Saraakisha Ciidanka Dowlada ee ku sugan Gobolka Gedo,ayaa sheegay Ciidamo ka tirsan dowlada Kenya ay  iskaga baxeen  deegaanka Tarako ee Gobolka gado halkaasi oo ay ku sugnaayeen mudo sanada ah.

Waxa uuna sarkaalkan uu shaaciyay in Saraakiil ka tirsan Ciidamadaasi baxay ay la soo xariireen kuwaasi oo ku wargeliyay inay halkaasi ka baxayaan,waxa uuna Xusay inay baxitaanka Ciidamadaasi lagu macneeyay Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay ugu dhaqaaqeen deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Gado.

Dhinaca kale Guhaad maxamed cumar ayaa sheegay in deegaanka Tarako ay la wareegeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,islamarkaana cabsi ay soo wajahday dadka shacabka ah eek u nool deegaanka tarako.

Ciidamadan ka tirsan dowlada Kenya ee ka baxay deegaanka tarako ayaa halkaasi waxa ay joogeen oo ay Maamulayeen mudo dhan labo Sano,iyadoona deegaanka Tarako Al-shabaab ay kala wareegeen Sanadkii 2015-kii horaantiisa.

Hoos ka Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.