Home Afsomali Dab khasaaro geystay oo ka kacay Suuq kuyaalla Magaalada Jowhar+Sawirro

Dab khasaaro geystay oo ka kacay Suuq kuyaalla Magaalada Jowhar+Sawirro

Waxaa xalay dab xoogan oo geystay khasaaro hantiyadeed uu ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dabkaan oo siweyn looga dareemay Xaafadaha Magaalada jowhar ayaan weli la ogeyn waxa sababay, waxaana goobjoogayaal sheegeen in ay gurmad u sameeyeen Suuqa dabka uu ka kacay Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe, Maamulka Degmada Jowhar Ciidamada Booliska & shacab fara badan oo ka yimaaday xaafadaha u dhow Suuqa.
Mid kamid ah Shacabka Magaalada Jowhar oo somalisan ka hadlay ayaa sheegay in Gaariga dabdamiska uu Maamulka keenay uu ku guuleystay deminta dabka, inta uusan ku fidin Ganacsiga kale ee Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.