Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa soo jeediyay in Hubka dhigis lagu sameeyo Maleeshiyaadka Xoolo dhaqatada ah ee ku sugan Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug iyo Degaanada Hoos yimaada.
Kulan Odayaashaasi ay ku yeesheen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayey ku sheegeen in halkaas ay degen yihiin Reer Guuraa ka soo kala jeeda Puntland,Galmudug iyo Hirshabelle islamarkaana ay dhici karto in la isku dilo Roob halkaas laga dagay,haddii aan Maleeshiyaadka Hubka laga dhigin.
Odayaasha ayaa intaas ku daray in Arrintaan aan Ujeed gaar ah laga laheyn Balse la doonayo in la kala badbaadiyo Dadka Reer Guuraaga ah ee ku Nool Waqooyi Bari Gobolka Mudug.
Hadalka Odayaasha ayaa imaanaya Xilli Degaanada Miyiga ah ee Gobolka Mudug ay ka dhacaan Dilal ku saleysan Aano Qabiil,waxaana ugu dambeeyay Shan Ruux oo Carruur iyo Haween isugu jira oo lagu laayahay Meel u dhow Degaanka Qeydara ee Bariga Gobolka Mudug.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view