Home Afsomali Madaxweyne fermaajo oo tukashada salaada jimcaha shacabka kula dukada masaajidka is baheysiga...

Madaxweyne fermaajo oo tukashada salaada jimcaha shacabka kula dukada masaajidka is baheysiga islaamka

Madaxweyne farmaajo oo tukashada salaada jimcaha dadweyne fara badan kaga qeybgalay masaajidka is baheysiga islaamka ayaa ka jeediyey qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa .
Madaxweynaha ayaa masaajidka kaga dhawaaqay in dalkeenu leeyahay kheyraad dadiici ah oo badan taasi oo uu ku macneeyey hadii aysan jiri laheyn fara galin shisheeye in somaliya gaari laheyd isku filmaashiyo dhankasta leh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal shacab ah Masjidka Isbaheysiga Islaamka, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan

Madaxweynaha markii salaadda Jimcaha la tukaday kaddib oo la hadlay dadkii masjidka ku sugnaa ayaa ka hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee dhawaan ay argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen dad rayid ah, waxaana uu Madaxweynaha uu xusay in taasi looga hortagi karo in si wada jir ah la isaga kaashado howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ciidamada ku shaqada leh xasilinta amniga caasimadda aysan kaligood waxba qaban karin, haddii aysan helin taageerada Shacabka, kana codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga.

“Sidaad ogtihiin doraad dad masaakiin ah oo meel ka qaxweynaya oo waqti Ramadaan ku jira, ayaa dad sheeganaya dad magac diin ku socday, waxa ay laayeen wax Allaale wixii carruur ah ee meesha joogay oo goob ku afurayay, kuwaasi oo isugu jiray carruur, gabdho iyo dad da’ah, maxay galabsadeen, dadkaasi waxaa lagu laayay magac Muslim., Diintee qabta in la laayo dad maato ah oo naf la xalaaleysto” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan rabnaa inaad dowladiina gacan siiyaan oo aad ka hortagtaan qofkasta oo ku soo dhexdhuumanaya ee doonaya inay bulshadooda dhibaateeyaan, waxaan rabnaa in qofka Soomaaliga uu aamino in uu dhulkan uu isagu leeyahay, oo aan difaacano dhulkeena, Badaheena iyo Cirka intuba” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay xoogga saareyso sidii shacabkeeda ay ugu adeegi lahayd si daacadnimo ah, balse shacabka looga baahanyahay inay door ka qaataan xaqiijinta amniga oo ay ciidamada la shaqeeyaan, maadaama ay habeen iyo maalin u taaganyihiin difaaca Qaranimadooda.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo khudbadiisa ay ka hadlaysay dhinacyo badan ayaa tilmaamay

“Ciidan shisheeye dalkiina ma xoreynayaan ee idinka ayaa la idinka rabaa inaad dalkiina cadowga ka xoreysaan, dadka na caawinaya ee aad arkeysaan Awooweyaashaad ayaad u soo shaqeeyay, marka anagu aan ka shaqeysanayo sidii dadka naga dambeeya aan magac wanaagsan ugu sameyn lahayn. ayuu Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa ku soo gabo gabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.