Banaan bax ay ka soo qeyb galeen Dad Shacab oo fara badan ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Dadka dibad baxa dhigayay oo iskugu jiray Haween ,Caruur iyo dhalinyaro, ayaa waxa ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah Dowladda waa in ay furtaa wadooyinka xiran,waxa ayna ka cabayeen dhibaatada ay ku qabaan Xirnaanshaha wadooyinka.
Qaar ka mid ah Dadka Dibaxa dhigayay oo la hadlay somalisan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Xirnaanshaha Wadada Wardashadaha,islamarkaana ay dhibaato ku qabaan,maadama ay waqti badan ay ku qadato in ay tagaan meeshi ay rabeen.
Dhanka kale Dadka dibad baxa dhigayay aya waxa ay Madaxda Dowladda Federaalka ay ka dalbadeen in ay u furto Wadooyinka ka xiran,waxa ayna tilmaameen in Gadiidka ay Ciidamada ka qataan lacag marka ay marayaan wadooyinka, taasina aysan aheyn Dowladnimo,waxana ugu baqeen in Dowladda ay ka jawaabto Cabashadooda sida ugu dhaqsiyaha badan.