iyadoo Maanta lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madaxda dolwadda Dhaxe Soomaaliya iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada Dalka.
ayaa Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Siciid Faarax (Juxaa) oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde sheegay inuu baaqday Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay inuu qabsoomayo 28-ka October oo maanta oo sabti ah ku beegnaay.balse uu qabsoomi doono maalin nimada bari ah, Sida Wasiir Juxaa uu sheegay.
Wasiirka ayaa ku macneeyay baaqashada shirka maanta lagu balansana inuu Muqdisho ka qabsoomo in maanta ay imaanayaan madaxda Maamul Goboledyada kuwooda dhiman, maadaama weli aysan Muqdisho soo wada gaarin Madaxda Maamul Gobaleedyada qaar.
Madaxda Maamul Gobaleedyada wali aan soo gaarin Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Hirshabeelle. Jubbaland, Puntland waxaana jooga Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Gabeed oo shalay soo gaaray Magaalada, sidoo kalena waxaa maanta yimid Madaxweynaha Xilka qaadistiisa Muranka dhalisay ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).
Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgali doono Guddoomiyaha Gobalka banaadir Ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.
Waxaa looga hadli doonaa Shirkaan Khilaafka Hareeyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxda Maamul gobaleedyada iyo sidoo kale Dagaalka adage e lagula jiro Xarakada Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Gudha Soomaaliya.
dhanka youtubka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0