Home Afsomali Dhageyso Madaxweyne Shariif Xasan Adan Ballanta ayey nooga baxeen balse maalin ay...

Dhageyso Madaxweyne Shariif Xasan Adan Ballanta ayey nooga baxeen balse maalin ay ahaataba dalka waan ka Noqon doonaa

Sharif Hassan Sheikh Adan

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay Magalaada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya iyo rajadii beelaha Digil iyo Mirifle.

Waxa uu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay balanta uga baxeen, maadaama hamigiisa ugu sarreeya uu ahaa in Koonfur Galbeed ay hesho Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare.

Shariif Xasan ayaa dadaal u galay sidii uu Cabdirashiid Xiddig uga dhigi lahaa afhayeenka bqarlamanka, taasi oo beeshiisa siin lahayd xilalka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee guusha Jawaari ayaa taas meesha ka saartay.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in koonfur Galbeed ay waligeed wadi doonto isbedel lagu sameeyo kuraasta ugu sareysa ee dalka, taasina mar walba ay ku dadaali doonaan.

Shariifka ayaa sheegay in ay doonayaan dalkan in ay u soo laabato Dowladnimadiisa, sharaftiisa, midnimadiisa iyo karaamadiisa, maadaama Soomaaliya ay ahaan jirtay Dowladaha Afrika ugu xoogga badan.

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.