Home Afsomali Dhageyso Qaabka uu u dhacay Xukuno dil iyo Xabsi daain ah oo...

Dhageyso Qaabka uu u dhacay Xukuno dil iyo Xabsi daain ah oo maxkamada ciidanku riday Xili ay wadooyinku xiran yihiin dhageystayaal badana ka soo qeybgalin

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukun ku riday rag lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan Yihiin Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay ka fuliyeen Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Raggaan oo ka kooban ilaa Afar oo dhamaantood rag ah ayaa lagu kala magacaabaa.

  1. C/qaadir Abuukar Shaacir waxaa la sheegay in uu ahaa sirdoon Al-Shabaab u qaabilsan Sahminta Maqaayadaha iyo Hotelada ka hor inta aan la qarxin waxaana goobaha uu samhmiyay ka mid ah Maqaayad ku taala ka soo hor jeedka Hotel Wehliye, ka soo horjeedka maqaayad ku taala Wasaaradda Isboortiga iyo Baar Itaaliya oo ku yaala Makka Al-Mukarama. C/qaadir ayaa lagu Xukumay dil toogasho ah.

 

  1. Maxamed Cumar Akiila ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka mid yahay Al-Shabaab ayna wada shaqeyn kala dhaxeysay C/qaadir oo basaas ahaa sidoo kale waxa uu qaabilsanaa soo iibinta Gaadiidka ay Al-Shabaab ku filiyaan Qaraxyada waxaana la sheegay in uu soo iibiyay Gaadiid badan oo Muqdisho lagu qarxiyay. Akiila ayaa lagu Xukumay Xabsi Daa’im ama cimrigaa haku furto.

 

  1. Daa’uud Maxamed Cali Waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab waxa uuna qaabilsanaa Faafinta Afkaarta Al-Shabaab iyo sidoo kale bixinta Lacagaha dadka ka tirsan Shabaab ee qaraxyada fuliya iyo dadka toogta waxaana lagu Xukumay 10 Sano Xabsi Ciidan Ah.

 

  1. C/llaahi ibraahim Geesey oo ah qofka ugu dambeeyo ayaa sidoo kale la sheegay in uu la shaqeyn jiray Labada qof ee ugu horeyso kuwaas oo kala ah C/qaadir Abuukar Shaacir iyo Maxamed Cumar Akiila waxaana la sheegay in uu sidoo kale qaabilsanaa soo dejinta Gaadiidka iyo dambiyo kale waxaana lagu Xukumay 2 Xabsi Ciidan ah.

 

Ragaan ayaa hore loo dhageestay Dacwadaha loo hesto waxaana Xukunkaasi ku dhawaaqay Guddoomiyaha Darajada 1aad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.