Home Afsomali Dhageyso Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah shabaab sida uu...

Dhageyso Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah shabaab sida uu sheegay wasiir Cabdullaahi Goodax Barre iyo Dacwad laga gudbiyey Goodax Barre

 

Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo dacwad looga gudbiyey Gudiga Anshaxa si loola xisaabtamo

Wasiirka wax barashada dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Warbaahinta u sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin kuwa ka mid ah Ururka Alshabaab.
Waxaana hadalkaas uu ka dhex sheegay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Goodax Barre ayaa golaha shacabka ka dhex sheegay in xildhibaanadii diiday in saxaafadda banaanka kaga baxaan kulankii baaqday inay ahaayeen Al Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan.

xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan golaha wasiiradda Xukuumadda Kheyre ayaa ku sheegay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo isne warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan wasiir Goodax Barre oo uu sheegay inuu isaga ku timaamay inuu Al Shabaab ka tirsan yahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka hadalkaasi uu ugu gafay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo shaqsiyadiisa sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay xubin Al Shabaab ka tirsan oo baarlamaanka dhex jooga.

Yuusuf Xuseen, ayaa cadeeyay in xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen hadalka wasiir Goodax Barre, islamarkaana ay dacwad ka dhan ah u gudbin doonaan guddiga anshaha ee baarlamaanka.

“Arintaasi waa Gaf ama meel ka dhac ah, sharciga ayaana mar hore qawaaniin ka dajiyay, kaligeey iima gafin, xildhibaano badan ayuu u gafay, dowladda oo dhan ayuuna u gafay, Insha allah Sharci ayaan la tiigsaneynaa, guddiga Anshaha ayaana u gudbineynaa dacwadeena”ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf.

hadalada goodax iyo Xildhibaanka dacweeyey hoos ka dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.