Xildhibaan Shariif Arwaax oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka GalmudugĀ ayaa sheegay in Xildhibaanada Maamul Goboledka Galmudug ay kalsoonida ay kala noqdaan Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,kadib markii ay kulan ay iskugu yimadeen Xildhibaanada Galmudug kuwaas uu ku sheegay in tiradooda ay ahayen 55 Xildhibaan waxa uu tilmaamay in 52 Xildhibaan ay ku dhawaqeen in Codkii Kalsoonida ay kala noqdeen Hogaamiyaha Maamulkasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf,halka labo Xildhibaan ay dideen midna uu ka aamusay,islamarkaana saas Xilki looga qaaday Axmed DucaalLE Geelle Xaaf.
Dhanka kale Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in Maamul Goboled kasta oo Dalka ka Jira uu u dhaqmayo sidii Dowlada Dhexe,islamarkaana waxa uu tilmaamay hadde ay yihiin Xildhibaanada Maamulka Galmudug aysan ka yeleenin in Masiirka Umadda Soomaaliyeed uu hal qof ku tunto sida uu hadalka u dhigay.
Hoos ka Dhageyso