Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay iyo qorshaha diyaarinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay iyo qorshaha diyaarinta golaha wasiirada oo socda kuna sii jeeda dalka …

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga uu dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ka socda diyaarinta liiska golaha Wasiiradda oo lagu waddo in lagu dhawaaqo saacaddaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.