Maleeshiyada Oromiya ee OPDO ayaa Xasuuqay dadkii abid ugu badnaa oo Shacab Soomaali ah kuwaas waxba galibsan siday Xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Dadweynaha Deegaanka Balbaleeyti ee Galbeedka Ogadeniya,
Xasuuqan arxan daroda ah ayaa waxuu ka dhacay Degmada Balbalayti ee Galbeedka Xaduuda Ogadeniya Iyo Oromiya waxaana dhintay ugu yaraan 215 qof oo Shacab Soomaali ah siday xaqiijinayaan dad ku sugan Deegaanadaas,
Illaha warku waxay sheegayaan in dad Haween Iyo Carrur isugu jirra oo ku Cararay Xerada Booliska Deegaanada
Ibaa Iyo Gaadulow lagu Xasuuqay 95 qof oo Caruur Iyo Haween u badan,
Maleeshiyada Oromada ee OPDO ayaa bishii November Sanadkan 2017 Xasuuqay boqolaal qof oo Soomaali ah Dagmooyinka Moyale, Nageile, Gindir, Qubi, Mayumuluqo, Mulli, balbalayti, Meiso, Diri-dhabe, Iyo Babile, waxaana halkaas ka barakacay boqolaal qoys,
Ciidanka Maleeshiyada OPDO oo ka tirsan Taliska Ciidamada TPLF/EPRDF ayaa waxay taageero ka helaan Ciidanka Military-ga waxa loogu yeedho Federaalka Itoobiya,
Majirro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Kililka ee Magaalada Jigjiga,
Maamulka Kililka Iyo Xukuumada Federalka Xabashida Itoobiya ayaa dhawaan gallay heshiis uu ka maqnaa Maamulka Oromada oo dhigaya in Dagaalka la joojiyo isla markaana dadka Oromada ah lagu celiyo Deegaanada Gobolka Ogaden oo horay looga barakiciyay,
Madaxweynaha Maamulka Kililka Cabdi Maxamud oo heshiiskaas saxiixay ayaa sheegay in Maamulkiisu damaanad qaadayo amniga dadka Oromada ah balse dhanka Maamulka Oromida kumay qancin heshiiskaas,
waxaa xidhan Wadada isku xidha Labada Gobol ee Ogadeniya Iyo Oromiya taas oo sababtay in Dadka Soomaalida ah ee ku xayiran Gudaha Gobolka Oromiya ay u soo baxsan waayaan dhanka Ogadeniya,
Ciidamada Xabashida Itoobiya waxay la socdaan Xasuuqa Iyo Barakacinta baahsan ee lagu hayo dadka Soomaalida ah balse waxayna diyaar u ahayn innay wax ka qabtaan waayo Waxay u badan yahiin Qoomiyada Oromada oo ah Qoomiyada ugu badan Itoobiya,
Maamulka Killilka oo lagu eedeeyo inuu duudsiyay Xuquuqda Soomaalida ayaana ka mid ahayn Isbahaysiga EPRDF Iyo Ciidanka Xabashida Itoobiya,
Colaada Soomaalida Iyo Oromada ayaa dhacday kadib markuu Maamulka Kililku taageeray Xukuumada Tigreega (TPLF) oo Qoomiyada Oromadu aaminsan tahay innay xuquuq-dooda duudsiday isla markaana Deegaanada Gobolada Ogadeniya laga masaafuriyay boqolaal Qoys Oromo ah,
hoos ka dhageyso Dhawaqa diilada leh